Header Ads

Dumar difaacay qaabka "xodxodashada" ragga

Dumar isugu jira qorayaal, jillayaal iyo aqoonyahano ayaa warqad furan oo ay qoreen, laguna daabacay wargeyska Le Mode ee dalka Faransiiska ayay ku sheegeen in dhibaato weyn lagu hayo ragga, kadib fadeexaddii weyneyd ee faroxumeynta dumarka ee soo shaacbaxday kadib markii koox dumar ah ay eedeyn u jeediyeen atooraha caanka ah ee Hollywood-ka Harvey Weinstein.
Boqolkan dumarka ah ayaa waxaa ka mid ah atariishada caanka ah ee Catherine Deneuve, waxayna sheegtay in ay ragga xaq u leeyihiin in ay shukaansadaan dumarka, iyada oo wax lala yaabo ku tilmaamtay in rag badan shaqooyinkoodii ay ku waayeen qof haween ah oo ay jilibka ka taabteen ama ay isku dayeen in ay xodxotaan.
"Kufsiga waa dambi weyn, balse in qof la xodxoto ma ahan dambi, waa nin raggeednimo" ayay qoraalka ku sheegeen, iyaga oo intaas ku daray in kacdoonka dumarka uu xadkii loogu talogalay ka gudbayo.
Waxa ay ka jawaabeen kacdoon adduunka oo dhan qabsaday oo dumar aad u tiro badan ay ragga ku eedeeyeen in ay ku xad gudbeen. Waxyaabaha ragga lagu eedeeyey waxaa ka mid ah taabasho, buurasho iyo dhunkasho aysan idin u heysanin.
Waxa ay ka digeen in uu adduunka ka dhasho dhaqan fool xun oo ragga loo arko in ay yihiin bahalo, dumarkana loo arko hilbo , aan wax awood ah lahayn oo xiraa aanan 'jac' iska oran karin ragga.
Catherine wax ay kasoo muuqatay wax ka badan 100 filim, waa 74 jir caan ka ah dalka Faransiiska, balse wixii hadda ka horeeyay laguma aqoonin in ay ka hadasho arrimaha bulshada.
Balse markii bishii hore adduunka uu qabsaday ololaha dumarka ay kaga sheeganayaan dumarka, ayay sheegtay in ay qalad weyn tahay in ragga la fadeexeysto

Catherine Deneuve


No comments