Header Ads

jaceylka oo dilaaga kowaad ka noqday wadanka hindiya

Haweeney u dhalatay Hindiya oo haysata diinta Hinduga ayaa is dishay ka dib markii handadaad ay kala kulantay saaxiibtinimada nin Muslim ah oo ku nool gobolka Karnakata ee koonfurta dalkaasi, sida booliska ay sheegeen.
Qof ay garaneyso ayey WhatsApp ugu sheegtay in ay Muslimiinta jeceshahay ka dib markii su'aal laga weydiiyay ninka ay saaxiibka la noqotay.
Booliska waxay sheegeen in farriintaasi lagu baahiyay baraha bulshada.
Dhowaanahan, Hindiya waxaa ka dhacayay rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo Hinduga kuwaas oo ka dhashay waxa loogu yeeray "jihaadka jaceylka".
Shan nin oo ka tirsan Hinduga xagjirka ah ayaa sabtidii tagay guriga haweeneyda waxayna u digeen waalidkeeda, sidaasi waxaa xaqiijiyay booliska. Gabdha oo 20 jir ahayd ayaa isla maalintaa is dishay.
Booliska waxay markii hore diiwaan geliyeen in gabadha ay iskeed isu dishay, balse markii ay ogaadeen doorka baraha bulshada ay ku lahaayeen dhimashadeeda ayey baaritaanka ballaariyeen.
K Annamalai, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska degmada Chikkamagaluru, wuxuu BBC-da u sheegay in haweeneyda ay ka tagtay farriinta sharaxeysa in ay is dishay.
"Waxay soo hadal qaaday in sawir uu ka hayo nin diin kale haysta. Dadka waxay billaabeen in ay fikrado ka dhiibtaan ayna weeraraan dabcigeeda," ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in ay is dishay ka dib markii shan nin ay booqdeen gurigeeda "ayna hooyadeed u sheegeen in gabadheeda ay nin Muslim ah jeceshahay."
Sidoo kale wuxuu sheegay in booliska ay xireen hal qof ayna weli raadinayaan kuwa kale.
Weriyaha BBC Hindi, Imran Qureshi, oo arkay farriinta, wuxuu sheegay in farriimihii WhatsApp-keeda si degdeg ah ay ugu faafeen degmada oo dhan.
Qoraalka wuxuu dhigayaan iyadoo lagula talinayo in aysan "saaxiib" la noqon karin nin diin kale haysta. Balse waxay iyadu ku jawaabtay: "waan jeclahay Muslimiinta."
Waxay intaa ku dartay in aysan khalad u arkin in "saaxiib lala noqdo" dadka kale ee diimaha kale haysta.
Annamalai wuxuu sheegay "qof kastoo gabadha ku canaantay waxa ay sameysay, ha ahaato Facebook ama WhatsApp, in la xiri doono".
"Waxaan aaminsan nahay in taasi ay tahay xadgudub sababay in nafta qof dhallinyaro ah ay go'do. Waxaan kiiskan u qaadaneynaa si dhab ah sababtoo ah ma ahayn khalad ay iyadu sameysay," ayuu yiri sarkaalka booliska
Hindu

No comments