Header Ads

Xiriirka kubbada cagta dalka Shiinaha ayaa sideed kulan oo ganaax ah dul dhigay laacibkii hore ee Chelsea Oscar kaddi markii uu dagaal huriyay dheeshii ay bar baraha gashay Shanghai SIPG axadii.  Laacibka reer Brazil ayaa kubbada si ula kac ah ugu darbeeyay labo laacib uu u saftay kooxda Guangzhou taa oo dhalisay inay labada kooxood gacmaha iskula tagaan.  Oscar ayaa iminka laga ganaaxay horyaalka Shiinaha ilaa 13 ka bisha August, waxaa sidoo kale loogu daray lacago ganaax oo dhan 5,000 oo Doolar.
os


Xiriirka Shiinaha ee kubbada cagta markii hore ma aysan hubin ganaax ceynkee ah ayaa la dul dhigaa xiddiga qadka dhexe, waxayna qoraal ay talo ku doonayaan u direen FIFA.
Oscar ayaan ka qeyb galin halkii lagu xukumayay waxaana markii dambe la soo sawiray isago xiran funaanad ay ku qoran tahay erayo sida:
“Wax aan ka sameynayo malaha, waxna kama dhahayo.”.
Oscar ayaa 21 kulan ka soo muuqday kooxda Shiineeska, wuxuu u dhaliyay 4-gool halka uu caawiyay 10-gool oo kale.
Image result for Oscar brawl in China

No comments