Header Ads

Goorma Ayey Macquul Tahay Iney Manchester United Dhameystirto Saxiixa Alvaro Morata? The Sun Ayaa Ka Warbixisay.

Manchester United ayaa aaminsan iney dhameyn karto heshiiska Alvaro Morata ka hor inta aysan bilaaban kulamada fasaxa ee ka horeeya xilli ciyaareedka soo aadan sida ay qoreyso The Sun.
Damacii Red Devils ee Alvaro Morata ayaa hoos u dhac uu ku yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Cristiano Ronaldo uu isaga tagayo Santiago Bernabeu.
Kabtanka Portugal wuxuu u muuqdaa mid joogaya Santiago Bernabeu madama madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez uu hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ka tagayo caasimadda.
The Sun – waxey qoreysaa in hormarka ay Real ka sameysay arinta Ronaldo ay ku qasbeyso Man United iney dib u bilowdo ololahii ay ku dooneysay Alvaro Morata.
Waxaa lasoo warinayaa in maamulka Manchester United ay diyaar u yahiin iney miiska u saaraan Real Madrid aduun dhan 60 Malyan oo Pound iyadoo weeraryahanka reer Spain uu dhaliyay 20-gool dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Jose Mourinho wuxuu doonayaa in la dhameystiro heshiiska Alvaro Morata ka hor inta aysan u duulin waqooyiga America 9-ka July.
Warbixinta ay The Sun daabacday waxey tilmaameysaa in Jose uu doonayo inuu Alvaro Morata tababarkiisa ugu horeeya kooxda kula sameeyo dalka mareykanka.
24-jirkaan wuxuu noqday bartilmaameedka ugu horeeya ee kooxda Manchester United kadib markii Romelu Lukaku uu diiday inuu la midoobo Jose Mourinho.

No comments