Header Ads

Weeraryahanka Qaranka Czech Republic – Patrik Schick – Oo Soo Gaaray Turin Si Uu Caafimaadka Ugu Maro Juventus.

Weeraryahanka Sampdoria & Qaranka Czech Republic Patrik Schick ayaa soo gaaray Turin si uu caafimaad ugu maro kooxda Juventus.
21-jirkaan ayaa ka mid ahaa wiilashii qarankiisa ee 3-1 ku garaacay dhigooda talyaaniga kulan ka tirsan wareea group-yada koobka qaramada qaaradda yurub ee 21-jirada kana socda dalka Poland.
Subaxaan ayuu soo gaaray magaalada Turin, waxaana la fahansan yahay inuu caafimaadka ku mari doono  J-Medical ka hor inta uusan 30 Malyan oo Euro ku dhameystirin ku biiritaanka Juventus.


“Patrick Schick wuxuu marayaa baaritaan caafimaad ka hor inta uusan kasoo wareegin Sampdoria kuna biirin Juventus” ayaa lagu qoray website-ka rasmiga ah ee Juventus.
Ciyaariyahankaan waxaa heshiiskiisa lagu jabin karaa 25 Malyan oo Euro, balse sida lasoo warinayo sadex sano gudahood ayey Juventus lacagaha ku bixin doontaa.
Patrick Schick wuxuu dhaliyay 11-gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay horyaalka talyaaniga, inkastoo uu kaliya 14-kulan kusoo bilowday tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay Sparta Prague.
DC6UhOzXsAAgwzL

No comments