Header Ads

Xidigaha Real Madrid Oo Ku Kala Qaybsamay Aragtida Xaalada Cristiano Ronaldo Iyo Go’aankii Uu Ku Sheegay In Uu Bernabeu Ka Baxayo.

Waxaa kala qeybsanaan xoogan laga dareemayaa ciyaartoyda kooxda Real Madrid, kadib hadalkii maalmo kahor kasoo yeedhay laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ee ku aadanaa inuu isaga tagayo Santiago Bernabéu iyo guud ahaanba horyaalka La Ligaha.
Waxaa kala qeybsanaan xoogan laga dareemayaa ciyaartoyda kooxda Real Madrid, kadib hadalkii maalmo kahor kasoo yeedhay laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ee ku aadanaa inuu isaga tagayo Santiago Bernabéu iyo guud ahaanba horyaalka La Ligaha.


Wargeyska Diário Gol ee kasoo baxa gudaha dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidigaha kooxda Los Blancos loo kala baxay laba qeybood, kooxda koowaad waa kuwa jira dhanka Cristiano Ronaldo si kal iyo laabna u doonaya inuusan ka dhax bixin Bernabéu, halka kuwa kalena ay doonayaan in sida ugu dhaqsida badan uu isaga baxo kooxda Real Madrid.
Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa dhamaadka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuu sheegay in laacibka kaliya uu ku garab istaagayo inuusan ka tagi doonin garoonka Santiago Bernabéu uu yahay Cristiano Ronaldo maadaama uu dhaliyo  60 gool, waana arin ay si xoogan kaga careesan yihiin xidigo dhowr ah.
Sidoo kale wararka ayaa waxay intaa kusii darayaan in mid ka mid ah xidigaha ku sugan safka kooxda Real Madrid uu ka dhawaajiyay in cid kasta ee ku sugan Santiago Bernabéu ay u wanaagsan tahay bixitaanka Ronaldo xili ciyaareedka soo aadan.
Hadaba shabakada Diário Gol ayaa wuxuu soo daabacay liiska ka kooban xidigaha daacada u ah Cristiano Ronaldo jecelna inuusan ka dhax bixin kooxda Real Madrid, waxaana ka mid ah, Ramos, Pepe, Marcelo, Keilor Navas, Fabio Coentrao, laakiin Pepe iyo Coentrao ayaa iyagu si gaar ah u gadoodsan maadaama ay kasii baxayaan Los Blancos.
Sidoo kale qolka labiska kooxda Real Madrid waxaa ku sugan xidigo si weyn kaga soo hor jeeda joogista Cristiano Ronaldo, waxaana ka mid ah Toni Kroos, Luka Modric, Alvaro Morata iyo Marco Asensio.

No comments