Header Ads

Hordhac: New Zealand vs Portugal – Selecção Oo U Baahan Dhibic Qura Si Ay Wareega Semi Final-ka Confederation Cup Ugu Gudbaan.

Portugal ayaa caawa la ciyaari doonta New Zealand iyadoo u baahan dhibic qura sidoo kalana soo bixi karta hadii ay guuldaro soo gaarto, balse waa in markaas ay Mexico guul ka hesho Russia.
Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu koob kale oo muhiim ah u qaado qarankiisa waana markii ugu horeysay oo ay tartankaan kasoo qeyb galayaan.
Portugal waxey fooda dari doonaan hadii ay soo gudbaan midkood Jarmalka & Chile oo la filayo iney kasoo bixi karaan group B.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: New Zealand vs Portugal
Tartanka: Confederations Cup (Group A)
Garoonka: Krestovsky Stadium
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?
Macalin Fernando Santos ayaa laga yaabaa inuu caawa nasiyo Cristiano Ronaldo isla markaana hogaaminta kulanka u dhiibo Nani.
Sidoo kale waxaa laga filayaa inuu isbadal weyn ku sameeyo shaxdiisa madaama New  Zealand ay goor hore isaga hartay taranka.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Waa markii ugu horeysay oo ay labadaan xul is arkayaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:
New Zealand:
Marinovic; Doyle, Smith, Durante, Boxall, Colvey; Thomas, Tuiloma, Lewis; Wood, Rojas
Portugal:
Patricio; Semedo, Neto, Fonte, Eliseu; Gomes, Danilo, Adrien Silva, Bernardo Silva, Andre Silva; Nani

No comments