Header Ads

Wakiilkii Hore Lionel Messi Ee Horacio Gaggioli Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu Lionel Messi U Xidhan Waayay Maaliyada Real Madrid Kahor Kooxda Barcelona.

Wargeyska Globo Esporte ee kasoo baxa gudaha dalka Brazil ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay isla markaana uu tooshka ku ifiyay sir qarsooneed ee ku aadan nolosha laacibka reer Argantina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi, xili uu laacibkan u dabaal dagayo sanad guuradiisa 30aaad.



Ka hadlida nolosha Lionel Messi ayo in uu Wargeyska dalak Brazil ee Globo Esporte soo daabaco ayaa waxay imaaneysaa kadib markii uu wakiilkii hore ee Lionel Messi  Horacio Gaggioli uu si diiran uga hadalay xaalada iyo nolosha xidiga reer Argantina. Iyo in uu lahaa sababta uu Messi haatan kaga mid yahay kooxda Barcelona.


Gaggioli ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan u tagay magaalada Barcelona sababa la xidhiidha duruufo dhanka nolosha ah, si aan u taajibiyo nolosha magaalada Barcelona, laakiin kahor Barcelona waxaan ku noolaa magaalada Madrid”.

Horacio Gaggioli ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: “hadii aanan ka dhaqaaqi lahayn Madrid una dhaqaaqi lahayn Barcelona, wuxuu Messi xiligan xidhnaan lahaa maaliyada Real Madrid, sababtoo ah qoyskiisa waxay ii sheegeen inay doonayaan imaatinka dalka Spain, waxaana u balan qaaday in dhinac kasta aan u garab istaagi doono”.

Gaggioli ayaa wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in markii uu gaadhay dalka Spain uusan wax koox ah la gaadhin heshiis, sidaas darteed waxaa suuragal ahayd in Real Madrid ay qaadato Lionel Messi si ay u tijaabiso kahor kooxda Barcelona.

No comments