Header Ads

Wararka Suuqa Kala Iibsiga Real Madrid: Zidane Oo Doonaya Bonucci, Lewy Oo Isha Ku Haya Santiago & Qorshaha Perez Ee Mbappe.

Tababare Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo daafaca waaya aragga ah ee Juventus Leanardo Bonucci si uu u helo badalka Kilper Pepe.
Macalinka reer France wuxuu la hadlay Sergio Ramos iyo Raphael Varane wuxuuna kala tashada sidii uu kooxda u keeni lahaa Bonucci.
Diario Gol waxey shaaca ka qaaday in hadii Perez uu go’aanka saxiixa Bonucci gaari waayo ay noqon doonto in Nacho Fernandez iyo Jesus Vallejo midkood uu lamaan la noqdo labada difaac ee muhiimka ah.
Dhanka kale Robert Lewandowski ayaa doonaya inuu badalo Cristiano Ronaldo kaas oo aan wali la ogeyn mustaqbalkiisa Real Madrid.
Diario Gol waxey ku warantay in xidigaan heerka caalami uu doorbidayo ku guuleysiga Champions League isagoo aaminsan in Los Blancos ay ka saacidi karto.
Ugu dambeyntiina Florentino Perez ayaa qorsheynaya inuu lasoo saxiixdo Kylian Mbappe kaas oo Monaco u sheegay inuu kaliya aadayo caasimadda Spain.
Diario Gol ayaa sheegeysa in sadex ujeedo oo aas-aasi ah uu leeyahay madaxweynaha markii shanaad la doortay ee Real Madrid –  waxaana kan ugu horeeya uu yahay inuu Ronaldo ku celiyo Madrid halka Mbappe uu qorsheynayo inuu keeno Bernabeu.

No comments