Header Ads

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Saaka Oo Khamiis Ah Ka Qoreen Wargaysyada Ingiriisku.

daily mail
Kooxda Chelsea ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto xidiga khadka dhexe ee kooxda AS Monaco ee Tiemoue Bakayoko kaas oo ay ka soo bixinayso lacag dhan  £35 milyan gini balse haddii ay Blues dhamaystirto saxiixa Bakayoko waxay waayi doontaa Nemanja Matic kaas oo diyaar u ah in uu Man United ku biiro.
Goolhaha xulka qaranka England ee Joe Hart ayay suurtogal tahay inuu xili ciyaareedka cusub baaqi ku sii ahaado kooxda uu amaahda kaga maqnaa ee Manchester City isaga oo doorashooyinkiisa ka dhigay kuwo furan.
daily star
Diego Costa ayaa Chelsea sii jooi doona ilaa inta ay uga suurtogalayso in uu dib ugu laabto kooxda uu ku riyoonayo ee Atletico  Madrid waxayna kooxda ree Spain u furan tahay in ay Costa la wareegto oo ay muddo shan bilood ah amaah ku bixin karto inta ay ka soo gudbayso ganaaxa ay FIFA ku soo rogtay. Costa ayaa iska dhego tiri doono qorshaha Costa wuxuuna Chelsea sii joogi doonaa ilaa inta uu Atletico Madrid ku biiri karo.
Manchester United ayaa sheegtay qiimaha ay ku iibin karto difaaca kooxda Juventus diirada u saaran ee Matteo Darmian waxayna Reds xidiga ree Talyaani ku iibin kartaa £20 milyan oo gini. Juventus ayaa xiisaynaysa saxixia Darmain iyada oo Dani Alves la shaaciyay in uu Turin ka baxayo.
daily mirror
Kabtankii Chelsea ee ay kooxdiisa Blues iska fasaxday ee John Terry ayaa xili ciyaareedka cusub ka soo muuqan kara horyaalka heerka labaad ee Championship halkaas oo uu doonayo in uu koobab kale kaga soo guulaysto.
Difaaca ree Brazil ee  Dani Alves ayaa qarka u saaran in uu dhamaystiro ku soo biiristiisa Manchester City kadib markii ay kooxdiisa Juventus ku heshiiyeen in laga siidaayo heshiiskii uu Turin ku joogay iyada oo waliba xidiga ree Brazil uu codsaday in layska fasaxo.
Xidiga Everton ka falaagoobay Ross Barkley ayaa wajahaya in uu kaydka kooxdiisa ku caajiso kadib markii Tottenham iyo kooxihii doonayay ay hoos u dhigeen xiisihii ay u hayeen. Barkley oo mar ka mid ahaa xidigaha loogu doonista badan yahay ayaa iska diiday in uu wax heshiis ah u saxiixo Everton.
Da’yarka Liverpool isla markaana xulka qarankiisa England U20 koobka aduunka kula soo guulaystay ee Sheyi Ojo ayay heshiis amaah ah ku doonayaan kooxda Newcastle United oo uu tababarihii hore ee Liverpool ee Rafa Benitez maamulo iyo kooxda Burnley.
Manchester City ayaan doonayn in ay xagaagan amaah ku bixiso xidiga aan qorshaha Guardiola qaybta ka ahayn ee Nolito waxayna doonaysaa in ay si rasmi ah iskaga iibiso iyada oo kooxda Sevilla ee horyaalka Spain lala xidhiidhinayo.
Gooldhaliyihii hore ee kooxda Liverpool ee John Aldridge ayaa sheegay in difaaca kooxda Southampton ee Virgil van Dijk ay qasab ku tahay in uu kooxdiisa ku qasbo in Liverpool uu ku biiro kadib markii ay Liverpool ka baxday tartankii  25 iyada oo Saints uga dacwootay Premier Leaque-ga.
the sun
Kabtankii Chelsea ee John Terry ayaa qarka u saaran in uu agbalo dalab uu ka helay kooxda heerka labaad ee Aston Villa oo uu todobaadkii mushaar ahaan uga qaadan karo £60,000 kun gini wuxuuna ugu biiri karaa si xor ah.
Xidiga Manchester City amaahda kaga maqnaa ee  Samir Nasri ayay kooxda horyaalka  Chinese Super  ee Shanghai Shenhua u soo bandhigtay heshiis uu todobaadkii ku qaadan karo £275,000 kun oo gini oo ayna waliba cashuurtu ku jirin.
Arsenal ayaa £20m milyan oo gini ku doonaysa goolhayaha ree Poland ee Wojciech Szczesny. 27 sano jirkan ayaa amaah ugu maqnaa kooxda Roma waxayna Gunners qiimaha xididgan sarre u qaaday kadib markii uu goolhayihii Sunderland ee Jordan Pickford uu 30 milyan oo gini ugu biiray Everton.
daily express
Maamulaha guud ee Juventus ee  Giuseppe Marotta ayaa cadeeyay in kooxdiisu ay dalab aad u wayn ka heshay koox doonaysa Alex Sandro taas oo la fahansan yahay in ay tahay Chelsea wuxuuna sidoo kale xusay in ayna kooxdiisu ciyaartoyna ka hor joogsan doonin rabitaankiisa.
daily telegraph
Kooxda Leicester City  ayaa dalab £25 milyan oo gini ah ku doonaysa gool dhaliyaha kooxda  Manchester City ee Kelechi Iheanacho kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayay kooxda West Ham United.
the times
Macalinkii hore ee Man United ee Louis van Gaal ayaa bartilmaameedsanaya in uu dib ugu soo laabto kubbada cagta in ka badan sanad kadib markii ay Man United ka caydhisay shaqada kooxdeeda isaga oo door ku yeelan doona xidhiidhka kubbad cagta dalkiisa Holland.
the independent
Dalabkii ay Manchester City ka gudbin lahayd difaaca kooxda Tottenham ee Kyle Walker ayaa u sii jiidmay ilaa usbuuca danbe  kadib markii ay Spurs hoos uga soo degi waayeen qiimaha 50 milyan ee gini ah ee ay 27 jirkan ku doonayaan. Haddii ay City dhamaystirto saxiixa Dani Alves ayuuna saamayn ku yeelan doonin xiisaha Walkeer.

No comments