Header Ads

SHAN Waxyaabood Ay Sameyso Real Madrid Marka Ay Dooneyso Saxiix Weyn Oo Muhiim Ka Noqon Kara Santiago Bernabéu… Xili Kylian Mbappé Uu Wadada Ku Soo Jiro.

Real Madrid ayaa saameyn xoogan ku yeelata inta badan dhanka suuqa marka ay timaado inay u dhaqaaqdo lasoo saxiixashada xidigaha ay ka dooneyso suuqa kala iibsiga ee ciyaaryahanada, waana dhacda u muuqata in intabadan aysan ku qanacsaneyn kooxo fara badan iyo warbaahiinta intaba, halka wargeyska “Daily Mirror” uu daabacay warbixin u muuqata inay tahay weerar isla markaana xambaarsan dhaleeceyn iyo Jees Jees ku aadan, qaabka shaqada madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez.
The Mirror ayaa aamisan in saxiixa Kylian Mbappé la dhameystiri doono inta uu socdo suuqa xagaaga, xili ay dul dhigtay arintan guud ahaan 5 talaabooyin laga tix raacayo qaabkii ay Real Madrid u sameysay saxiixyadii waaweynaa oo ay horey ugu guuleysatay.

The Mirror ayaa aamisan in saxiixa Kylian Mbappé la dhameystiri doono inta uu socdo suuqa xagaaga, xili ay dul dhigtay arintan guud ahaan 5 talaabooyin laga tix raacayo qaabkii ay Real Madrid u sameysay saxiixyadii waaweynaa oo ay horey ugu guuleysatay.

1. Sasabasho: Florentino Perez ayaa si dhab ah u sii bilaaway hadalada uu ku sasabanayo laacibka da’ada yar ee kooxda Monaco iyo xulka france Kylian Mbappé, laakiin ka hadalka arinta 18 jirkan ayaa sii kordhi doonto isbuucyada soo aadan si uu u noqdo mid ka mid ah xidigaha ugu waaweyn ee kubada cagta.

2. Inkirida inta badan waxay ka sameeyaan suuqa ciyaaryahanada: Real Madrid ayaa inta badan looga bartay in si hoose ay laacibka ay bar-tilmaameedsato ay wada hadalo la furato ugu horeyn, kuna qanciso inuu u soo dhaqaaqo safka kooxdeeda, waxayna iska in kirtaa in wada hadal ay la yeelatay xidig ka tirsan safka koox kale, iyadoo ku andacoonaya inay ixtiraamaan.

3. in lala xidhiidhiyo inta badan xidigo aysan dooneyn kooxda reer Spain inay lasoo saxiixato: Wargeyska Marca ayaa dhowr jeer shaacisay in Real Madrid lala xidhiidhinayo lasoo saxiixashada xidiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, dhamaan wargeysyada iyo kooxaha kale waxay ku mashquulaan saxiixa Aubameyang, waxayna Real Madrid halkaas ka heshaa fursada ay kula saxiixaneyso xidiga ay dooneyso saxiixiisa aanan ahayn kan ay kooxaha kele iyo wargeysyada kuwada mushquulaan inta badan.
4. u gudbinta marka hore dalab hoose si ay u helaan saxiixa laacibka reer france waana dalab ay durbaba iska soo diiday kooxda Monaco: qorshaha dalabka hore ayaa ah mid loogu tala galay in Kylian Mbappé uu si xoogan kaga soo hor jeesto go’aamada maamulka kooxdiisa, kadibna uu xumaado xidhiidhka kala dhaxeeya maamulka kooxda Monaco, waxaa jiri doona kaliya hal jiho heshiis ah, waana Real Madrid.
5. Real Madrid ayaa gudbineysa dalabkeeda Labaad xili kooxda Monaco ay ku qasbanaan doonto inay ogolaato dalabka kaga yimaada dhigeeda reer Spain, sababtoo ah Mbappé ayaa ah midaan ku qanacsaneen joogista kooxda reer france, waxaana suuragal noqon karta in heshiiska uu kusoo dhamaado qorshaha iyo lacagihii marka hor ay ku go’aamisay Real Madrid inay kula soo wareegto Kylian Mbappé.

No comments