Header Ads

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyada Ingiriisku Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Sabti Ah.







  • Wayne Rooney ayaa ku dhibtoonaya in uu helo koox ku haboon oo doonaysa in ay bixiso lacagta lagula wareegi karo ama dalabka mushaarkiisa iyada oo ayna ilaa hadda kala cadayn halka uu yaalo mustaqbalkiisu.
  • Arsenal oo aaminsan in ay ku guulaysatay saxiixa gool dhaliyaha kooxda Lyon ee  Alexandre Lacazette kadib markii ay ka gudbisay dalab 44 milyan oo gini ah isla markaana ay wada xaajood la gashay Lyon.
  • Tababaraha Everton ee Ronald Koeman ayaa isha ku haya Andre Gray iyada oo gool dhaliyahani uu galay 12 kii bilood ee ugu danbeeyay heshiiskiisa kooxda Burnley.
daily mail
  • Chelsea ayaa joojisay wada xaajoodkii ay heshiiska cusub kaga saxiixan lahayd goolhayaheeda Thibaut Courtois kadib markii uu dalbaday in loo laba jibaaro mushaarkiisa uu hadda usbuucii ka qaado Stamford Bridge oo ah £90,000 kun oo gini.
  • Chelsea ayaa saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Mohamed Salah waxay ka helaysaa  £2.3 milyan gini maadaama oo ay heshiiskii uu AS Roma ugu biiray ku darsadeen qodob fursad u siinayay in boqolkiiba tiro gaar ah ay ka helayaan haddii la iibiyo xidiga ree Masar.
daily star
  • Arsenal iyo Chelsea ayaa waayi doona  difaaca kooxda AS Roma ee Kostas Manolas kaas oo ku dhaw in uu 26 milyan oo gini uu ugu biiro kooxda  Zenit St Petersburg ee horyaalka Russia oo ku dhaw in ay xidigan iyo mid kale kula soo wareegto 70 milyan oo eruos.
  • Manchester United ayaa iska fogaysay wararkii sheegayay in ay heshiis la gaadhay xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Nemanja Matic kaas oo la sheegay in uu Mourinho kula midoobayo Old Trafford.
  • Chelsea ayaa isha ku haysa in gool dhaliyaha kooxda Swansea City ee  Fernando Llorente ay badal uga dhigato  Michy Batshuayi oo la filayo in uu Blues ka bixi doono. Conte ayaa bishii January isku dayay in uu markale la midoobo Llorente.
the sun
  • Xidigaha aan Arsenal mustaqbalka ku lahayn ee Lucas Perez, Kieran Gibbs iyo Wojciech Szczesny ayaa ka cabsi qaba in kooxdoodu ay qiimo sarre dalbato si ay Emirates Stadium uga baxaan taas oo ku adkayn karta in ay kooxaha ay doonayaan ku biiri karaan.
  • Manchester United ayaa rajo ka heshay xidiga ay mararka badan isku dayday ee Renato Sanchez iyada oo Bayern Munich diyaar u ah in ay ku iibiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo ah 30.5 milyan gini inkasta oo ay hore kooxaha Man United iyo Yurub uga dulqaaday saxiixa xidiga ree Portugal.
  • Chelsea ayaa diyaar u ah in ay lacagta ugu yar iskaga fasaxdo gool dhaliyaha Loic Remy si uu dib ugu soo dhisto waayihiisa ciyaareed ee xumaaday.
the times
  • Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay hogaanka u qabto loolanka adag ee loogu jiro saxiixa da’yarka AS Monaco ee Kylian Mbappe haddii ay dhiiro galin ka hesho xidigan iyada oo AS Monaco soo diiday dalabkii labaad ee ay Liverpool xidigan ka gudbisay oo ahaa 100 milyan oo euros.
  • Antonio Conte oo diyaar u ah in uu gooyo dariiq kasta oo uu Nemanja Matic ugu biirayo Manchester United isla markaana waxa uu dardar galinayaa dhamaystirta saxiixa Tiemoue Bakayoko kaas oo ogolaaday in uu Blues ku soo biiray halka ay sidoo kale Chelsea heshiis la gaadhay Monaco.
daily telegraph
  • Manchester City ayaa doonaysa in ay iibka Kelechi Iheanacho ku darsato qodob u ogolaanaya in ay dib ula soo wareegi karto waxaana si wayn u doonaya kooxaha West Ham United iyo Leicester City si la mid ah kooxo kale oo Premier Leaque-ga ah.
  • Paris St Germain ayay ka go’antahay in ay Arsenal, Real Madrid iyo kooxaha kale ee Yurub ay ku garaacday saxiixa xidiga kooxda AS Moanaco ee Kylian Mbappe iyada oo gudbisay dalab rekoodh aduun ah oo dhan 119 milyan oo gini.
the independent
  • Arsenal ayaa diyaar u ah in ay Liverpool ka iibiso Alex Oxlade-Chamberlain iyada oo waliba sidoo kale albaabka Emirates Stadium tusaysa siddeed ciyaartoy oo kooxdeeda kowaad ka mid ah waxaana ka mid ah Lucas Perez, Kieran Gibbs iyo Wojciech Szczesny.
  • Arsenal ayaa war fiican ka heshay wakiilka xidiga ay doonayso in ay la soo wareegto ee Emil Forsberg wuxuuna wakiilka xidigani sheegay in kooxda ree Germany ee RB Leipzing ay dilayso riyadii uu lahaa laacibkani taas oo ah in uu Arsenal ku soo biiro.

No comments