Header Ads

Alvaro Arbeloa Oo Ku Dhawaaqay In Gabi Ahaan Uu Ka Fariistay Kubada Cagta, Xili Uu Shaaca Ka Qaaday Sababtii Ka Danbeysay Inuu Gaadho Go’aankan.

Daafacii Hore Kooxaha Real Madrid Iyo Liverpool ee reer Spain Alvaro Arbeloa ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu ka fariistay ciyaarista kubada cagta, kadib markii uu soo xidhay maaliyadaha dhoowr kooxood iyo sidoo kale xulka qaranka Spain, wuxuuna kubada cagta kaga dhax baxay da’aada 35 jir.



Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu daabacay hadalkan kadib wareysi gaar ah uu la yeeshay Alvaro Arbeloa uu ku sheegay in gabi ahaanba uu isaga fariistay ciyaarista kubada cagta, waxaana la balan qaaday in wareysigan oo dhameystiran lasoo daabici doono xiliyada soo aadan.


Daafacan reer Spain ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in awoodiisa jireed ay u diideyso inuu kusii dhax jiro ciyaarista kubada cagta, sidaas darteed uu go’aansaday in soo gaba gabeeyo waayihiisa ciyaareed, kadib markii uu in badan kasoo muuqday sanooyinkii lasoo dhaafay kursiga keydka, waxaana uu daafacii hore kooxaha Real Madrid iyo Liverpool yidhi: “Real Madrid waa kooxda iigu muhiimsan ee aan waqti wanaagsan lasoo qaatay waayaheyga ciyaareed, Laakiin anigu xili kasta waxaan diyaar u ahay, sida aan u garab istaagi lahaa kooxdeydii hore”.

No comments