Header Ads

Waqtiga Uu Florentino Perez La Kulmi Doono Cristiano Ronaldo, Qorshaha Xidigaha Reer Portugal Iyo Warkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada CR7.

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayay cadhadii badnayd ee haysay hoos uga dhacday kadib markii uu madax waynaha kooxdiisa Real Madrid ee  Florentino Perez uu si adag u difaacay laakiin waxa uu wali ku taagan yahay go’aankii uu ku doonayay in uu ka baxo Santiago Bernabeu.
Sida uu sheegay wargayska Marca ee Madrid ka soo baxaa Cristiano Ronaldo haysta doorashooyin dhawr ah oo uu mustaqbalkiisa waxayna sidoo kale shaaciyeen waqtiga uu madax waynaha Madrid ee  Florentino Perez uu la kulmi doono xidiga kooxdiisa si uu iskugu dayo in uu go’aankiisa badalo.
Wargayksa Marca ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado FIFA Confedrations Cupku in  Florentino Perez uu kulan la qaadan doono Ronaldo iyada ay ka wada xaajoon doonaan mustaqbalka iyo sidii uu Ronaldo baaqi ugu sii ahaan lahaa kooxda caasimada Madrid ka dhisan.
Laakiin wargayska Marca ayaa sheegay in Ronaldo uu kulankan ka soo xaadiri doono isaga oo soo bandhigi doona dalab xoogan oo uu ka haysto kooxda Paris Saint-Germain kaas oo ku qiimaysan ilaa 200 milyan oo euros waxaana warbixintan lagu sheegay in Ronaldo uu doorbidayo in uu Paris u dhaqaaqo haddii Bernabeu sidaa kaga baxo.
Waxaa kale oo la sheegay in Ronaldo uu haysto fursad uu ugu biiri karo kooxaha lacaglayda ah ee ree Chine kuwaas oo Ronaldo u balan qaadaya in ay ka dhigaan bilyaneer balse isaga oo 32 sano jir ah isla markaana rajaynaya in uu ku guulaysato Ballon d’Orkiisii shanaad ayaanu xidiga ree Portugal xiiso u qabin in uu ka baxo kubbada cagta Yurub.
Paris Saint-Germain ayaa ah kooxda waqti xaadirkan ugu dhaw ee uu Ronaldo ku biiri doono haddii uu ku sii adkaysto go’aankiisa iyada Manchester United walaac ka muujisay Ronaldo sababo la xidhiidha da’diisa waynaatay, lacagtiisa qaaliga ah iyo in David De Gea uu waqti xaadirkan kooxdeeda aad muhiim uga yahay iyo waliba sidoo kale in Mourinho aanu doonayn Ronaldo.
Si kastaba ha ahaatee, Florentino Perez ayaa wax kasta u samayn doona sidii uu Ronaldo ugu qancin lahaa in uu go’aankiisa badalo oo uu Madrid baaqi ku sii ahaado iyada oo waliba la og yahay in Ronaldo uu maxkamada Madrid ka soo muuqan doono July 31 markaas oo su’aalo laga waydiin doono kiiska cashuur lunsiga ah ee uu Ronaldo doonayo in uu Spain uga baxo.

No comments