Header Ads

Eden Hazard Oo Jamaahiirta Kooxdiisa Chelsea La Wadaagay Sawiro Muujinaya In Uu Horumar Ka Samaynayo Dhaawicii Soo Gaadhay.

Xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo ka shaqaynaya sidii uu uga soo kabsan lahaa dhaawac halis ahaa oo uu qalin u maray ayaa jamaahiirta kooxdiisa Blues la wadaagay sawiro uu ku muujiyay sida uu horumar uga samaynayo ka soo kabsashadiisa.
Chelsea ayaa June 5 si rasmi ah u shaacisay in Eden Hazard uu qaliin guulaystay maray isla markaana uu tababarka kooxdeeda ku soo laaban doono muddo saddex bilood kadib ah taas oo la micno ah in uu seegi doono ilaa kulamada ay Chelsea ciyaari doonto  bisha September sababtoo ah marka uu tababarka ku soo laabto saddex bilood kadib waxa uu u baahan doonaa ugu dhawaan bil ama ku dhawaad in uu ka shaqeeyo taam ahaanshihiisa.
Laakiin Eden Hazard ayaa bartiisa Instagram soo dhigay sawiro uu lugtiisa sarre u hayo wuxuuna xusay in uu horumar sameeyay isla markaana uu hadda saree u qaadi karo lugtii qaliinka looga sameeyay wuxuuna sidoo kale soo dhigay sawiro uu biro ku boodayo.
Hazard ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababta uu u baxay ay ahayd inuu timaha soo xiirto ama soo jarto waqtiga xagaaga wuxuuna soo qoray: “Qoyskayga ayaa gaadhiga igu soo wareejiyay, sidaa daraadeed lugtayda ayaan sarre u hayn karaa,horumar fiican maadaama oo aan maamulay in aan maamulay xiirashada/timo jarashada xagaaga”.
Hazard ayaa seegi doona kulanka Community Shield oo ay Chelsea la ciyaari doonto Arsenal maadaama oo ay koobabka Premier Leaque iyo FA Cupka ku soo kala guulaysteen. waxaana sidoo kale la filayaa in uu seegi doono kulamada muhiimka ah ee Tottenham, Arsenal iyo Man City.
Eden Hazard ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday ka mid ahaa xidigihii ugu fiicnaa kooxda Chelsea balse dhaawac xun oo ku soo gaadhay tababarka xulka qarankiisa ayaa keenay in uu canqowga uga jabay taa soo keentay in qaliin lagu sameeyay horaantii bishan.

No comments