Header Ads

Hordhac: Cameroon vs Australia – Aboubakar vs Cahill – Xulkee Isaga Hari Doona Tartanka? Midkeese Rajo Abuuran Doona?

Cameroon oo guuldaro ka heshay Chile & Australia oo guuldaro ka gudoontay Germany ayaa caawa is wajahi doona waana kulan final u ah madama xulkii laga badiyo uu ka dagi doono daaqadda, balse waxey rajadooda si wadajir ah halis u gali kartaa marka ay barbaro ku dhameystaan kulanka, sidoo kalana kulanka Germany & Chile uu barbaro ku dhamaado.
Australia waa markii ugu horeysay oo ay tartakaan kasoo qeyb galeyso tan iyo 2005 markaas oo ay group-ka isaga hareen kadib markii sadex guuldaro oo xiriir ah ay qaateen, halka Cameroon ay u tahay markii labaad oo ay kasoo qeyb galaan taariikhda 2003 ayaana ugu horeysay.
Australia waxey guuldareystay afar kulan oo xiriir ah tartanka Confederation Cup.
Markii ugu dambeysay oo ay kasoo muuqato tartanka waxey aheyd 2005 markii lagu qabtay Germany, hal dhibicna ma aruursan.
Australia waxey barbareyn kartaa caawa hadii laga badiyo rikoorka Sacuudiga oo heysta shan jeer oo xiriir ah in la garaacay, balse midka New Zealand ayaa kasii fog oo ah sideed kulan oo xiriir ah.
Hadii ay caawa guul gaaraan Australia waa guushii ugu horeysay oo ay ka gaaraan tartanka tan iyo 2001 markaas oo ay garaaceen Brazil.
Waa kulankii ugu horeeyay ebid ay is arkaan labadaan xul.
SHAXDA MACQUULKA AH:
CAMEROON:
Ondoa – Fai, Teikeu, Ngadeu, Mabouka – Djoum, Zambo, Siani, Moukandjo, Aboubakar, Bassogog
AUSTRALIA:
Ryan – Wright, Sainsbury, Degenek – Behich, Milligan, Kruse, Leckie – Mooy, Rogic, Cahill
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Cameroon vs Australia
Tartanka: Confederation Cup (Group B)
Garoonka: Krestovsky Stadium
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

No comments