Header Ads

Waqtiga Ay Borrussia Dortmund Go’aan Ka Gaadhi Doonto Mustaqbalka Xidigaha Premier Leaque-ga Laga Doonayo Ee Pierre-Emerick Aubameyang Oo La Ogaaday.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa doonaysa in ay go’aan ka gaadho mustaqbalka xidiga kooxdeeda iyo xulka qaranka Gabon ee  Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo si wayn loola xidhiidhinayo kooxda Premier leaque-ga oo ay ugu horeeyay Manchester City iyo Liverpool
Wargayska SportBild ee Germany ka soo baxa ayaa shaaciyay in dhamaadka bisha July ay Dortmund u calaamadsatay in ay ku go’aamiso mustaqbalka Aubameyang, waxayna markaas kooxaha doonayaa go’aan doonaan haddii ay heli karaan fursad ay kula soo wareegi karaan.
Dhawaan ayaa la sheegay in kooxda Manchester City ay diyaarinayso dalab ay ka gudbiso gool dhaliyaha kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Gabon ee  Pierre-Emerick Aubameyang. Wuxuuna Guardiola doonayaa in uu kooxaha Premier Leaque-ga ka hor qaado xidiga ree Gabon.
Warar soo baxay ayaa sheegayay in  Pierre-Emerick Aubameyang uu u furan yahay in uu Premier Leaque-ga u dhaqaaqo waxaana markaas la sheegay in uu doonayo sidii uu Jurgen Klopp ugula shaqayn laaha Liverpool balse dhamaan kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga ayaa xaaladiisa la socda.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday ahaa xidigii goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka Germany isaga oo ku soo guulaysatay abaal marinta gool dhalinta kadib markii uu 31 gool oo horyaalka ah uu shabaqa soo taabsiiyay.
Si kastaba ha ahaatee, bisha ay maalmaha koobani inaga xigaan ee July dhamaadkeeda ayay Dortmund doonaysaa in ay go’aamiso haddii ay aqbali doonto dalabyada lagu doonayo Aubameyang iyo haddii ay doonayso in uu wali kooxdeeda qayb ka sii ahaan doono.

No comments