Header Ads

Jose Mourinho Oo Si Xoogan Kaga Soo Hor Jeeda Fikirka Uu Matteo Darmian Ugu Biirayo Safka Kooxda Juventus.

Macalinka reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa waxay wararka ka imaanaya gudaha dalka England ay shaacinayaan si weyn uu kaga soo hor jeedo fikirka ku aadan gabi ahaanba uu daafaca kooxdiisa ee reer talyaani ee Matteo Darmian uu ka diro Old Trafford.

Dhawaan waxaa jiray warar ku aadan in daafaca reer talyaani ee Matteo Darmian uu ka mid yahay xidigaha la filayo inay isaga dhaqaajiyaan safka kooxda Manchester United, laakiin qorshahan ayaa ah mid aan ku socon Jose Mourinho, wuxuuna doonayaa inuu sii heysto Darmian.


Hadalkan kasoo yeeray Jose Mourinho ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii uu 27 jirkan uu si weyn kaga buuxiyay Jose Mourinho booska dhanka daafaca garabka bidix xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, xili sidoo kale uu awood u leeyahay inuu ka soo baxo ka ciyaarista isla garabka midig, sidaas darteed  Mourinho ayaan si sahlan ku ogolaan doonin inuu ka baxo Old Trafford.
Si kastaba Juventus ayaa kooxaha ugu cad cad ee doonaya saxiixa Matteo Darmian si ay kaga dhigtaan badalka laacibka reer Brazil ee Daniel Alves oo sheegay inuusan kasii mid ahaan doonin qorshaha kooxda Juventus xili ciyaareedka cusub.

No comments