Header Ads

Sky Sports: Weeraryahanka Chelsea Diego Costa Oo U Sheegay Atletico Madrid Inuu Doonayo Inuu U Wareego Iyaga Mar Kale

Diego Costa ayaa u sheegay Atletico Madrid inuu doonayo inuu iyaga u wareego mar kale, sida ay ogaatay Sky Sports.
Weeraryahanka Chelsea ayaa shaaca ka qaaday 8dii bishaan Juun inuu fariin qoraaleed ka helay tababare Antonio Cone oo loogu sheegay inuusan ka mid aheyn qorshayaashiisa Stamford Bridge ee xilli ciyaareedka soo socda.
Haddii Costa uu u wareego Atletico ma awoodi doono inuu u ciyaaro ilaa iyo bisha Janaayo sababtoo ah FIFA ayaa xayiraad ka saartay Atletico suuqa kala iibsiga xagaagan.
Costa oo 28 sanno jir ah ayaa dhaliyay 20 gool 25 kulan uu saftay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee uu koobka horyaalka la qaaday Chelsea.
Kooxda eer London ayaa Costa kala soo wareegtat Atletico seddex sanno ka hor heshiis 32 milyan ginni ah markii uu Jose Mourinho tababare u ahaa.
Ka dib kulankii ay Spain barbaraha 2-2 la gashay Colombia ee bilowgii bishaan, Costa ayaa yiri: “Waxaan ahay ciyaaryahan Chelsea ah, laakiin ma doonayaan inaan halkaas sii joogo.
“Antonio Conte ayaa fariin qoraal ah iigu sheegay inaan sii joogin Chelsea waana intaas. Cone waxa uu ii sheegay inuusan igu tashaneynin xilli ciyaareedka soo socda.
“Waa wax ceeb ah, waxaan durbaba fariinta u sii gudbiyay dadka Chelsea si ay u go’aansadaan. Laakiin waa ay cadahay in tababaraha uusan ugu xisaabtameynin.”

No comments