Header Ads

Agaasimaha Ciyaaraha Barcelona Ee Robert Fernandez Oo Jamaahiirta Kooxdiisa Ka Farxiyay Iyo Qorshaha Suuqa Kala Iibsiga Ee Damacsan Yahay.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona ee Robert Fernandez ayaa waraysi uu bixiyay kaga farxiyay jamaahiirta kooxdiisa kadib markii uu sheegay in ay samayn doonaan saxiixyo waa wayn oo ay xoojin ugu samaynayaan mashruuca uu la wareegay macalinka cusub ee Ernesto Valverde.
Robert Fernandez iyo tababare Ernesto Valverde ayaa wada qaatay kulan ay ku qorshaynayeen xidigaha kooxda ka bixi kara iyo saxiixyada cusub ee ay tahay Camp Nou la keeno wuxuuna kadib Robert Fernandez uu waraysi siiyay majada rasmiga ah ee ay Barcelona leedahay.
Robert Fernandez oo ugu horayn ka hadlaya in Ernesto Valverde uu waqti u baahan doono si uu ula qabsado Barcelona ayaa yidhi: “Caqli ahaan Valverde waxa uu u baahan doonaa waqti uu kula qabsado, laakiin ma noqon doono waqti badan sababtoo ah waa nin kubbada cagta ah. Waxaanu haynaa xog aad u badan, waxaana jirta shaqo badan oo daaha dabadiisa ka socota”.
Robert Fernandez ka sii hadlaya Valverde ayaa yidhi: “Ernesto Valverde waa khabiir dhinaca kale u dhiga xalaadaha xun. Barca waa koox markasta ay jiraan dhibaatooyin ay tahay in laga takhaluso isla markaana waxaanu u baahanahay qof taas in uu la tacaalo awood u leh. Kaliya ma doonayno in aanu guulaysano, waxaanu doonaynaa in aanu guulaysano anaga oo si fiican u ciyaarayna, taasi waa sababta ay kooxdani khaaska u tahay”.
Fernandez oo kooxdiisa amaanaya ayaa yidhi: “Dad badan oo jecel in ay daawadaan Barca inkasta oo ayna xataa xaqiiiqdii ahayn taageerayaasheeda, taas aad ayaanu ugu hanwaynahay sababtoo ah waa in hanaankayaga lagu shaqeeyo iyo habka fahanka kubbada cagta taas ayuuna Ernesto ku haboon yahay”.
Kadib Robert Fernandez ayaa la waydiiyay suuqa kala iibsiga iyo saxiixyada ay xili ciyaareedka cusub Barcelona samayn doonto wuxuuna yidhi: ” Waa shaki la’aan in aanu kooxda xoojin u samayn doono ee boosaska aanu u baahanahay waxayna ku waasi noqon doonaan saxiixyo magacyo waa wayn leh”.
Laakiin Fernandez ayaa qeexay sida ay kooxdiisa saxiixyadu ugu adkaan karaan wuxuuna yidhi: “Dhibaatada ugu wayn ee aanu wajahnaa waa qiimayntayada. Ciyaartoy badani ma doonayaan in ay halkan yimaadaan sababtoo ah waxayna hubin in ay heli doonaan waqti badan oo ay ku ciyaaraan”.
Wuxuuna Fernandez hadalkiisa sii raaciyay: “Laakiin anagu waxaanu ku faraxsanahay ciyaartoydii aanu xagaagii hore la soo saxiixanay sababtoo ah  dhamaantood talaabo ayay hore ugu qaadeen waayahooda ciyaareed”.
Barcelona ayaa bartilmaameedka ugu wayn ka dhiganaysa saxiixa Marco Verratti oo PSG ka tirsan kaas oo la filayo in uu noqon karo saxiixyada magaca wayn ee uu agaasimaha ciyaaraha Barcelona ka dhawaajiyay waxaana sidoo kale Barca lala xidhiidhinayaa xidiga Dortmund ee Aosmane Dembele si la mid ah Hector Bellerin oo Arsenal ka tirsan.
Laakiin sidoo kale Barcelona ayaa la filayaa in ay iska iibin doono xidigo badan oo kooxdeeda ka mid ah waxaana ka mid ah Arda Turan iyo Rafinha halka Jeremy Mathieu uu haddaba ka mid yahay xidigaha laga nadiifin doono Camp Nou.

No comments