Header Ads

Diego Maradona Oo Weerar Culus Ku Qaa day Jorge Sampaoli Dani Alaves Iyo Sababta Weerarkiisa Ka Danbaysa.

CIYAARO ONLINE:


Halyayga ree Argentina Diego Maradona ayaan ka waaban in uu weeraro culus ku qaado cida uu doono waxayna markan tustay Dani Alves iyo tababaraha cusub ee xulka qarankiisa Argentina ee Jorge Sampaoli. Maradona ayaa sheegaya hadalo muran badan dhaliya oo uu ku dhaliilo xidigo ama tababarayaal kubbada cagta ah.
Maradona ayaa macalinka cusub ee xulka qarankiisa Argentina  ee Jorge Sampaoli ku eedeeyay in uu Sergio Aguero ka reebay xulka qarankiisa isla markaana uu soo doortay xidigaha uu sida wayn u neceb yahay Maradona ee   Mauro Icardi.


Ugu horayn Maradona oo eedayn u soo jeedinaya Dani Alves ayaa yidhi:” Dani Alves waa doqon, waana nin kubbada   ciyaara saddex ama afar jeer wuxuuna galaa siddeed ama in ka badan oo qaladaad ah. Alves markasta waxa uu joogaa qaybta garoonka ee aan kubbada lagu ciyaarayn”
Maradona oo la hadlayay TyCSports ayaa isaga oo sheegaya in uu Jorge Sampaoli u cadhaysan yahay yidhi: “Anigu aad ayaan ugu cadhaysanahay Sampaoli. In aad kooxda xulka qaranka Aguero uga reebto Icardi waa waali.Sampaoli ma qaranayo wax ka badan kubbaa cagta ee ninkii ka horeeyay ee Edgardo Bauza. Taas in badan ayaan u sheegi doonaa”.
Diego Maradona ayaa ah shaqsi aan hadalka kala gaban qofka uu maago ama uu durayo wuxuuna muujiyay in uu si wayn uga xun yahay in Serigo Aguero booskiisii la siiyay ninka uu kubbada cagta ugu neceb yahay isla markaana uu weerarada badan ku qaado ee Mouro Icardi.

No comments