Header Ads

Nemanja Matic Oo Doonaya Inuu Macalin Mourinho Kula Midoobo Manchester United Xagaagan

Nemanja Matic ayaa doonaya inuu si lama filaan ah ugu wareego Manchester United oo uu mar kale uga hoos ciyaaro tababare Jose Mourinho, sida ay qortay saaka jariirada AS.
Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea ayaa ka cabsi qaba inuusan ku jirin qorshaha tababaraha Blues Antonio Conte, waxaana ka dhaadhacsan inuu ciyaaray kulankiisii ugu danbeysay ee Chelsea.
Laakiin macalinkii hore ee Stamford Bridge Mourinho ayaa Matic ku darsaday xiddigaha uu doonayo inuu keeno Old Trafford xagaagan oo uu sidoo kale ku jiro xiddiga Tottenham Eric Dier.
Labadii sannadood ee uu Matic ka hoos ciyaaray Mourinho waxa ay u ahaayeen kuwa guulo ah, laakiin xiriirkooda waxa uu xumaaday markii kursiga keydka laga soo kiciyay kulankii ay guuldarada 3-1 ka soo gaartay Southampton bishii October 2015 iyadoo la bedelay 28 daqiiqo ka dib markii uu bedelay ku soo galay.
Laakiin Matic oo qirtay inay dhacdadaas ku biirtay dareen xun, hadana waa xirfadle doonaya inuu si adag u shaqeeyo taasoo ah waxa soo jiitay The Special One.
Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale dib u hagaajiyay xiriirkii uu la lahaa xiddiga reer Spain Juan Mata ka dib markii ay dib ugu midoobeen Manchester United xagaagii la soo dhaafay.
Mata ayaa loo arkayay inuu yahay ciyaaryahanka uu Mourinho ka dhiganayay marmarsiiyo markii ay wada joogeen Chelsea isagoo u muuqday inuu ahaa ciyaaryahanka ugu horeeya ee la bedelo kulan walba.
Matic ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Juventus waxaana uu qeyb ka noqon karaa heshiiska ay Chelsea ku dooneyso daafaca bidix ee reer Brazil Alex Sandro.

No comments