Header Ads

Florentino Perez Oo Sii Ahaanaya Madaxweynaha Real Madrid Ka Dib Markii La Waayay Cid Kula Tartanta Doorashada

Real Madrid ayaa waxaa hogaamin doona Florentino Perez afar sannadood kale, iyadoo aysan jirin musharaxiin kale oo kula tartamaya jagada madaxtinimada kooxda.
Waqtigii ugu danbeeyay ee loo qabtay inay musharaxiinta u tartameysa jagadaan soo gudbiyaan araajidooda waxa ay aheyd xalayto saq dhexe, doorashadii seddexaad ee isku xigta Perez ayaa haatan ah mid aan lala tartameynin.
17 sannadood ka dib markii ugu horeysay ee uu madaxweyne kooxda ka noqday sannadii 2000 iyo sideed sannadood ka dib markii uu soo laabtay 2009, 70 jirkaan ayaa dardar ugu jiro inuu guulo badan keeno garoonka Santiago Bernabeu.
Waxa uu goob joog u ahaa waqti ka mid ah xilliyadii ugu guulaha badneyd ee taariikhda kooxda iyagoo hantay seddex Champions League afar xilli ciyaareed gudaheed, laakiin waxa uu weli baahi u qabaa guulo badan, isagoo waqtigiisa cusub ee kursiga ka bilaabi doona inuu qandaraaska u kordhiyo Zinedine Zidane oo ah ninkii ku hogaamiyay kooxda labadii Champions League ee ugu danbeysay.
Perez ayaa sidoo kale wacdarro ka dhigi kara suuqa kala iibsiga, isagoo noqday nin lagu yaqaano mudadii sannadaha aheyd inuu sameeyo saxiixyo Galactico ah.
Kylian Mbappe ayaana ah ciyaaryahan ka dhigi kara waqtigiisa cusub ee madaxtinimada Real Madrid mid ku bilowda si weyn.

No comments