Header Ads

Juventus Oo Iska Fasaxeysa Dani Alves Ka Dib Markii Uu Ka Careysiiyay Jamaahiirtooda & Bedelkiisa Oo Ay Man United Ka Baadigoobayaan.

Dani Alves ayaa u muuqda mid ay iska fasaxeyso Juventus kuwaasoo dalab ka gudbin kara Matteo Darmian si uu u bedelo.
Daafaca midig ee reer Brazil ayaa si xoogan loola xiriirinayay kooxda Manchester City maalmihii u danbeysay, waxaana jamaahiirrta Juve ka careysiiyay hadalkiisii ahaa in Paulo Dybala uu ka tago Juve si uu u horumariyo waayihiisa ciyaareed iyo inuu kabihiisii finalka Champions League ee 2015 soo dhigay Instagram, waa kulankii ay Barcelona koobka ka qaaday Juventus.
Sida lagu qoray saaka jariirada Gazzetta dello Sport, ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa loo sheegay inuu bixi karo haddii uu doonayo iyadoo Bianconeri ay diyaar u tahay inay si xor ah ku fasaxdo.
Waxaana ay taasi u badbaadineysaa 3.5 milyan yuro oo mushaharkiisa ah iyadoo Dani Alves uu ku dhow yahay inuu qandaraas labo sannadood u saxiixo Manchester City oo uu xilli ciyaareedkii qaadanayo 5 milyan yuro.
Si kastaba, Juve ayaa laga yaabaa inay lacag ku ganaaxdo ka hor inta uusan bixin, waxaana u sabab ah waxyaabihii uu soo dhigay baraha bulshada iyo hadalkii uu ka yiri Dybala.
Iyadoo Stephen Lichtsteiner ay sidoo kale u badan tahay inuu baxayo, Bainconeri ayaa haatan baadigoobeysa ugu yaraan hal daafac midig.
Mattia De Sciglio ayaa si xoogan loola xiriiriyay, laakiin Gazzetta dello Sport ayaa qortay inay sidoo kale xiiseynayaan daafaca midig ee Manchester United Matteo Darmian.

No comments