Header Ads

Kadib Markii Ay Go’aamisay Man City Saxiixa Dani Alves Pep Guardiola Oo Wali Dalbanaya In Loo Sameeyo Saxiixa Daafaca Kooxda Tottenham Hotspur Kyle Walker.

Manchester City ayaa go’aamisay dalabka kama dambeysta ah ay kula soo saxiixan doonto daafaca reer Brazil Dani Alves, waxaana suuragal ah in heshiiskiisa si rasmi ah loogu dhawaaqo saacadaha soo aadan, waxaa sidaas laga soo xiganayaa  wargeyska Daily Mirror.

Giuseppe Marotta oo ah Agaasimaha guud ee kooxda Juventus ayaa wuxuu si rasmi ah shaaca ka qaaday in Dani Alves ay laba wado kala noqdeen, isaga xaqiijinaya inuu daafaca reer Brazil heshiis la gaadhay kooxda  Manchester City.


Inkastoo la xaqiijinayo in Pep Guardiola uu go’aamiyay saxiixa Dani Alves, hadana macalinka kooxda Man City ayaa wuxuu dalbanayaa in loo sameeyo saxiixa daafac kale ee ka ciyaara daafaca garabka midig, wuxuuna doonayaa in loo sameeyo saxiixa daafaca kooxda Tottenham Hotspur Kyle Walker.

Pep Guardiola ayaa aaminsan in Dani Alves kaliya uusan ku filneen daafaca garabka midig ee kooxda Man City Sidaas darteed wuxuu dalbanayaa in loo sameeyo saxiixa daafac kale, wuxuuna macalinka reer Spain uu ki fikirayaa in Kyle Walker uu ka dhigto dooqiisa koowaad, halka Dani Alves uu u noqdo dooqiisa labaad.

No comments