Header Ads

Danny Welbeck Oo Ciyaartoyda Man United Ku Wehliyay Ka Qeybgalka Arooska Cris Smalling Ee Ka Dhacay Talyaaniga (+Sawiro)

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa gaaray waqooyiga talyaaniga gaar ahaan magaalada Como si ay uga qeyb galaan arooska saaxiibkood Cris Smalling, waana ciyaariyahankii sadexaad ee ka tirsan Red Devils ee guursada fasaxaan.
Kabtanka qaranka England & Man United Wayne Rooney & xaaskiisa Coleen ayaa qeyb ka noqday dadka ka qeyb galay, balse waxaa yimid goobta Danny Welbeck oo ka tirsan Arsenal, balse ay saaxiibo dhaw yahiin Smalling.
Martidii timid goobta oo u badneyd ciyaartoy saaxiib dhaw la ah Cris Smalling waxey waqti fiican ku wada qaateen Grand Hotel Tremezzo ka hor intaan arooska laga galbin goobta.
Mateo Darmian ayaa isbuucii hore guursaday kaas oo ku aqal-galay kaniisadda ku taala Rescaldina oo qiyaastii 25 KM u jirta magaalada Milan, halka ciyaariyahankii hore United balse ku biiray Everton Morgan Schneiderlin uu isna guursaday dhawaan.
DAAWO SAWIRADA

No comments