Header Ads

YAAB: Min Diego Maradona, Ronaldinho Ilaa Neymar JR Iyo Dalabyo Qariib Ah Oo Ay Shaqsiyaad Sameeyeen Kuwii Ugu Yaabka Badnaa.

Sheeko xiiso badan oo hadda soo wada ifbaxday isla markaana la xaqiijiyay ayaa muujinaysa dalabyo lama filaan ah ama lala yaabo oo ay ciyaartoy ama musuuliyiin kubbada cagta ahi sameeyeen markii ay doonayeen in ay kooxo cusub ku biiraan kuwaas oo qaar ay sabab u noqdeen in heshiisyadu ay burburaan.

Waxaa keenay in sheekadan la baadho oo meel layskugu keeno in aabaha dhalay wiilka da’yarka kooxda Juventus ee Moise Kean uu shaaca ka qaaday arin u qaadan waa noqotay isla markaana keentay in dad badani ay la yaabaan.


Aabaha dhalay da’yarka kooxda Juventus ee Moise Kean ayaa fashiliyay in wiilkiisa ay kooxda Juventus dayn ahaan ugu leedahay cagafcagta beeraha lagu qodo ama lagu falo iyo waliba mishiino beeraha lagaga shaqeeyo waxaana soo baxday in wiilkan yari uu markii uu Juventus ku soo biirayay shuruud uga dhigay in qalabkan beeraha loo iibiyo si uu Turin ugu soo biiro.

Maxaa iskaga dan ah beero iyo kubbada cagta!! Laakiin haddii aad u qaadatay in uu yahay dalab ama shuruud qariib ah oo uu ciyaartoy da’yar ahi sameeyay waxaa jira ciyaartoy magac wayn ku soo yeeshay kubbada cagta oo la ogaaday dalabyadii lama filaanka ahaa ee ay sameeyeen markii ay kooxo ku biirayeen.
Haddaba kadib sheekada wiilka da’yarka ah ee Moise Kean iyo shuruuda lama filaanka ahayd ee ay Juventus u fulisay waxay halkan shabakada CIYAARO ONLINE idiinku haysaa dalabyadii lala yaabay ee ay ciyaartoy kubbada cagta ahi shuruud ka dhigeen halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Ronaldinho: Halyaygii ree Brazil iyo kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa ka mid ah dadka dalabyada lama filaanka ah shuruud ka dhigay isaga oo mar ay soo dalbatay kooxda ree Mexico ee Queretaro shuruud uga dhigay arimo badan waxayna kala ahaayeen in loo diyaariyo guri ay ku taal barkad lagu dabaasho.
Kaas oo leh garoon kubbada lagu ciyaaro, si la mid ah waa in uu yeesho garoon todoba xidig leh oo ay toba ciyaartoy ku wada ciyaari karaan, wuxuuna dalbaday in gurigu uu leeyahay afar qof oo shaqaale ah isla markaana waa in uu heshiiskiisa uu ku soo wareegayo waliba qayb ka noqdaa oo aan kharaashkiisa isaga la waydiin!!.
Gervinho: Xidigii hore ee kooxaha Arsenal iyo Roma ee Gervinho ayaa isna sameeyay dalab aad loola yaabay kaas oo waliba keenay in uu burburay heshiis uu ugu biiray lahaa koox ree China ah. Gervinho ayaa dalbaday in heshiiska uu ugu biiri lahaa China lagu daro garoon isaga u khaas ah oo ayna cid kale ku ciyaarin, guri qasri ah oo dhamaan qoyskiisa qaadi kara, diyaarad hilkobtar ah iyo waliba tikidho uu markasta oo uu u baahdo ugu duuli karo meesha uu doono!!!!
Maradona: Halayygii ree Argentina ee Diego Maradona ayaa qayb ka ah dadka aan ka soo sheekayna isaga oo dalab lala yaabay sameeyay ka hor markii uu ku biirayay kooxda Dubai ka dhisan ee Al Wasl markaas oo uu ka noqonayay agaasime wuxuuna dalbaday in marka uu u baahdo uu helo diyaarad khaas ah in uu ugu duulo dalka Spain si uu inantiisa/gabadhiisa uu dhalay ugu booqan karo!!!.
Neymar: Xidiga kale ee dalabyada noocanka ah qaybta ka ah ayaa Neymar JR inkasta oo aanu isagu si toos ah dalabkan u samayn. Markii kooxda Paris Saint-Germain ay isku dayday inay xidiga ree Brazil kala wareegto Barcelona ayuu aabaha dhalay Neymar kooxdan ku xidhay shuruud la mid ah kuwa hore.
Neymar Sr ayaa kooxda PSG u sheegayu in haddii ay wiilkiisa doonayaan in marka hore ay u diyaariyaan mushaar 25 milyan oo euros ah oo ayna cashuurtu ku jirin isla markaana ay magaca wiilkiisa ku dhisaan silsilado hodheelo Paris ah kuwaas oo ay ahayd in magaca Neymar lagu qoro balse waxay noqotay shuruud aan shaqayn!!!.

Adebayor: Ugu danbayn heshiis uu xidigii kooxaha Arsenal iyo Man City ee Emmanuel Adebayor uu ugu biiri lahaa kooxda ree France ee Lyon ayaa burburay kadib markii uu dalbaday in loo diyaariyo qasri u muuq eeg jasiirada Corsica, diyaarad khaas ah, duuliye khaas ah iyo waliba lambar 10-ka Alexandre Lacazette.

No comments