Header Ads

Hordhac: Germany vs Chile – Sanchez vs Draxler – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Kazan.

Labada xul ee ugu sareeya group-ka B tartanka Confederation Cup ayaa caawa is wajahi doona waana marka ay iska hor yimaadan Germany & Chile.
Xulka uu hogaamiyo tababare Joachim Low wuxuu guul weyn kasoo gaaray Australia kulan 3-2 lagu kala baxay, halka Chile ay dhib badan 2-0 kaga adkaadeen Cameroon – iyadoo goolasha ay la socdeen Sanchez oo badal ku yimid kulanka labada goolna ka qeyb qaatay qeybahii ugu dambeeyay.
Labada xul waxey fursad u heystaan iney caawa xaqiijiyaan usoo bixitaanka wareega xiga ee tartanka, mid walba ayaana u baahan guul si uu banaanka isku keeno.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Germany vs Chile
Tartanka: Confederation Cup (Group B)
Garoonka: Kazan Arena
Saacadda: 9:00 Habeenimo (XGA)
MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?
Die Mannschaft ma wataan ciyaartoydii muhiimka aheyd sida: Toni Kroos, Thomas Muller, Jerome Boateng, Mats Hummels, iyo Mesut Ozil, waana dooqa tababare Low, halka dhaawac looga tagay Reus, Neuer iyo Leroy Sane.
Sidoo kalana waxaa dhaawac xulka uga haray Diego Demme, balse Emre Can iyo Draxler ayaa ka mid ah xidigaha soo gaaray Russia.
Dhanka kale tababare Juan Antonio Pizzi wuxuu soo doortay xul adag iyadoo Sanchez iyo Vidal ay hogaanka u hayaan, weeraryahanka Arsenal qeybtii dambe ayuu isbadal ku sameeyay kulankii ay guusha ka heleen Cameroon waliba iyadoo canqawgiisa uu barar xoog leh saaran yahay.
Claudio Bravo ayaa shaki la galinayaa kaas oo wali dhaawac ah.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Jarmalka waxey dhaliyeen 39-gool, 9-kulan oo ay kasoo muuqdeen koobka Confederation Cup, waxeyna ka dhigan tahay in kulankiiba ay dhalinayeen 4.3.
Chile waa xulka lixaad ee wadamada koonfurta America uga qeyb gala tartankaan, kaliya qaaradda yurub ayaa ka badan oo 10 xul ay uga soo muuqdeen marka lagu daro xulalka ay markii ugu horeysay u tahay ee Russia iyo Portugal ee sanadkaan ka qeyb galaya.
Joachim Low ayaa u dabaal dagi doona guushiisii 100-aad ee waayahiisa tababaranimo Jarmalka, waase hadii ay garaacaan wiilashiisa Chile.

No comments