Header Ads

an United Oo Wadahadalo Ku Aadan Heshiiska Alvaro Morata La Furtay Real Madrid- Goorma Ayaa Lasoo Gabagabeyn Karaa?

Sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Spain – Manchester United ayaa wadahadalo ku aadan saxiixa Alvaro Morata la bilowday dhigeeda Real Madrid.

Ciyaariyahankaan reer Spain wuxuu noqday bartilmaameedka ugu horeeya ee Jose Mourinho tan iyo markii lagu fashilmay Antoine Griezmann kaas oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa.
Wargeyska Marca ee Spain laga leeyahay – wuxuu ku waramayaa in labada kooxood ay haatan si toos ah uga wadahadlayan arinta xidigaan.
Alvaro Morata wuxuu xilli ciyaareedkii dhamaaday ahaa mid kursiga keydka daris la ah balse wuxuu noqday gooldhaliyaha labaad ee kooxda Real Madrid.
Sidoo kalana warbixinta waxaa lagu sheegay in xidigaan heshiiskiisa lasoo afjari doono ka hor inta aysan Manchester United u duulin waqooyiga America halkaas oo ay kulamo kusoo ciyaari doonto.

No comments