Header Ads

Jamaahiirta AC Milan Oo Lacago Doolar Been Abuur Ah Ku Soo Tuuray Goolhaya Gigio Donnarumma Kuna Heesay Dollarumma

Taageerayaasha Milan ayaa lacago doolar been abuur ah ku soo tuuray goolhayaha 18 jirka Gianluigi Donnarumma, iyadoo ciyaaryahanka uu u ciyaarayay xulka Italy ee da’dooda ka hooseysa 21 jirada eeka horimaanayay xulka Denmark tartanka qaramada Yurub ee da’ yarta.
Ciyaarta ayaa hakad gashay in muddo ah si loo uruuriyo lacagaha been abuurka ah ee lagu soo tuuray goolka uu waardiyaha ka ahaa goolhayaha AC Milan Donnarumma.
Taageerayaasha ayaa ka careysan go’aankii uu ciyaaryahanka ku diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda isagoo meel kale ka raadsanaya qandaraas ka fiican. Real Madrid ayaana la sheegayaan inay dooneyso Donnarumma.
Taageerayaasha Mlan ee joogay kulankii Denmar iyo Italy ayaa sidoo kale soo bandhigay boor ay ku qoran tahay ‘Dollarumma’ iyagoo ciyaaryahanka ku tilmaamay mid lacag doon ah, waxaana ay ku heesayeen ereyo isaga ka dhan ah.
AC Milan ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inaysan weli ka quusanin ciyaaryahanka islamarkaana ujeedkooda uu yahay sidii ay ugu sii heyn lahaayeen San Siro.
Wakiilka goolhayaha Mino Raiola ayaa u sheegay warbaahinta shalayto in goolhayaha iyo qoyskiisa ay la kulmeen hanjabaadyo dil ah intii ay socdeen wadahalada AC Milan islamarkaana ay taasi qeyb ka aheyd go’aanka ciyaaryahanka.

No comments