Header Ads

Barcelona Oo Bartilmaameedkeeda Koowaad Ee Xagaagan Ka Dhigatay Marco Verratti

Inkastoo daafac midig uu yahay boos ay Barcelona u baahan tahay inay xal u raadiso xagaagan, hadana madaxda kooxda Catalans ayaa si weyn u doonaya Marco Verrattii, waxaana ay diyaar u yihiin inay sameeyaan wax walba oo awoodooda ah sidii ay ku soo xerogelin lahaayeen xiddiga khadka dhexe ee Talyaaniga.
Inkastoo Paris Saint-Germain ay sheegtay inaysan wax wada xaajood ah ka geli doonin iibinta ciyaaryahanka, hadana Blaugrana ayaan weli ka quusanin.
Agaasimayaasha Camp Nou ayaa ka warqaba in heshiiska uu noqon doono mid ay adag tahay inuu dhacayo islamarkaana ay ku bixi doonto lacag badan oo saxiixiisa iyo mushaharkiisa ah, laakiin waxa ka go’an inay 24 jirkaan keenaan Catalonia.
Si kastaba, Verratti ayaa go’aanka ugu danbeeya ka gaari kara mustaqbalkiisa madaama uu yahay shaqsiga ku qasbi kara kooxda Faransiiska inay iibiso xagaagan.
Waxaa la sheegay inuu ku wargeliyay kooxda PSG inuu doonayo inuu baxo, laakiin Barcelona ayaa sugi doonta inuu si rasmi ah u gudbiyo warqadiisa uu ku dalbanayo in la iibiyo ama inuu saxaafada ka hor sheego inuu doonayo inuu ku biiro Barcelona.
Taasina ma dhici doonto ilaa waqti dhow iyadoo xilli hore oo xagaaga la marayo, waxaana xiddiga Talyaaniga uu ku riyaaqayaa fasaxa uu ku joogo jasiiradaha Balearic.

No comments