Header Ads

Dhaliyaha Liverpool Roberto Firmino oo aqal galay….(Coutinho, Lucas Leiva, Moreno iyo xarfaan kale oo ka soo qeyb galay xalada Arooska)+SAWIRRO

Weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino ayaa la aqal galay Larissa Pereira oo ay wada socdeen muddo afar sano ah.
Xaflada arooska ayaa waxay ka dhacday magaalada uu ka soo jeedo ee Maceió ee dalka Brazil.
Waxaa Arooska door wayn ka ciyaarayay oo malxiis ka ahaa saaxiibkii Philippe Coutinho oo ay ka wada tirsan yihiin Liverpool iyo xulka Brazil.
Sidoo kale waxaa goob joog ahaa saaxiibadiisa kale ee Liverpool Lucas Leiva, Alberto Moreno iyo Allan Souza.
Fanaanka caanka ah ee reer Brazil Gabriel Diniz ayaa xaflada arooska ka tumayay iyadoo la arkayay arooska iyo aroosada oo qoob ciyaar sameynaya.
Photos from Roberto Firmino and Larissa Pereira’s wedding in Brazil

No comments