Header Ads

Mohamed Salah Oo Soo Gaaray Merseyside Isla Markaana Caafimaadka U Maraya Liverpool Sidey Ogaatay Sky Sports.

Garabka As Roma & xulka qaranka Masar Mohamed Salah ayaa soo gaaray gobolka Merseyside isla markaana caafimaadka u maraya Liverpool sida ay ogaatay Sky Sports.
Warbixinta waxaa lagu sheegay inuu Mohamed Salah caafimaadka ku marayo isbitaal ku yaala gobolka, waxaana la filayaa inuu dhameystiro maanta heshiiska uu ugu biiray Liverpool.
Kadib wuxuu u gudbi doonaa xerada tababarka Liverpool Melwood Training si uu u dhameystiro ku biiritaanka Reds.
Waxaa la fahansan yahay in Mohamed Salah uu ku imaan doono Liverpool aduun dhan 39 Malyan oo Euro oo u dhiganta 34.3 Malyan oo Pound.
daily mirror

No comments