Header Ads

Cristiano Ronaldo Oo Mar Kale Tusay Aduunyada Sida Uu Beni’aadanimada U Qiimeeyo Ka Hor Bilowgii Kulanka Russia.

Kabtanka Portugal ayaa xalay mar kale qabsaday cinwaanada ugu waaweyn ee warbaahinta dunida markii uu ka farxiyay gabar yar oo Mascot (Caruurta gacmaha la qabsado) ka aheyd kulankii ay xulkiisa guusha ka gaareen Russia.
Portugal waxey ku guuleysteen gool uu daqiiqadii 9-aad madaxa ku dhaliyay kabtankooda, balse ka hor bilowga wuxuu dhunkaday gabar cuuryaan ah oo ka mid aheyd caruurtii ay Russia u diyaariyen iney gacmaha qabsadaan ciyaartoyda xulka qaranka Portugal.
Waa gabar 10-jir ah, balse sida ka muuqatay ay u aheyd waqtigii ugu wacnaa ee dunida kadib markii uu calanka Portugal u dhiibay ciyaariyahanka ugu fiican waqtigaan kuabdda cagta Ronaldo heystana abaalmarinada ugu sareeya kubadda cagta ee shaqsiyaadka lagu abaalmariyo.
Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee taageeryaasha kubadda cagta ku amaanaan inuu ku wacan yahay qadarinta Beni’aadamka, waqti hore ayey aheyd markii uu taageero weyn u muujiyay caruurta Syria isagoo muuqaal uu kaga hadlayo inuu garab taagan yahay soo galiyay baraha bulshada.

No comments