Header Ads

Alexis Sanchez Oo Go’aamiyay Ka Hadalka Inuu U Dhaqaaqayo Kooxda Sida Weyn Lala Xidhiidhinayo Ee Bayern Munich.

Wargeyska “Bild” ayaa wuxuu daabacay su’aalo wax looga weydiiyay Laacibka reer Chile iyo kooxda Arsenal Alexis Sanchez halka uu ahaan doono mustaqbalkiisa waxaana ka mid ahaa: “Miyaad ku biiri doontaa kooxda Bayern Munich, wuxuuna jawaab kaga dhigay dhoola cadeyn wuxuuna kadib ku yidhi “Maya”.



Alexis Sanchez ayaa waxaa si xoogan lala xidhiidhinayay xiliyadii lasoo dhaafay u dhaqaaqista safka kooxaha Bayern Munich iyo Manchester City midkood, kadib markii uu xidiga reer Chile ku gacan seeray in wax heshiis ah uu la gaadho maamulka kooxda Gunners maadaama uu dhacaya kan haatan uu ku joogo Emirates Stadium sanada 2018.


Si kastaba Sanchez ayaa wuxuu kali ku noqday dhawaan xidiga ugu goolasha badan taariikhda  xulka qaranka Chile, wuxuuna gaadhay goolkiisa 38aad, kadib goolkii uu kaga dhaliyay Germany koobka Confederations Cup-ka, wuxuuna hal gool kaga sara maray halyeeygii hore xulka qaranka Chile Marcelo Salas.

No comments