Header Ads

Cidii Aas Aastay, Kulamada Ugu Xiisaha Badan Oo Ay Ku jiraan El Clasico & Manchester Derby, Taariikhda & Waqtiga Iyo Xog Dhamaystiran Oo Aad Uga Baahan Tahay ICC Cupka.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaan waqti xaadirkan kaysan kulamo ay ku madadaashaan oo heerka kooxeed ah waxaana socda tartanka FIFA Confedrations Cupka kaas oo aan lahayn xamaasadii iyo xiisihii heerka kooxeed iyada oo waxa kaliya ee ay jamaahiirta kubbada cagtu ay waqti xaadirkan isha ku hayaan uu yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoy iyo xidigaha hadba lakala doonayo.


Laakiin waqti fog ma noqon doonto marka aad heli doonto kulamo aad u xiiso badan balse aan wali ahayn kulamo raasmi ah, waxaana dhawaan bilaami doona koobka saaxiibtinimo ee loo yaqaan International Champions Cup kaas oo ay saamayntiisa si layaableh aduunka ugu baahday sanadba sanadkii ka danbeeyay.

Haddaba Shabakada ciyaaro online ayaa warbixin dhamaystiran idiinka haysa koobka International Champions Cup, waqtigii la aas aasay, kooxaha sanadkan ka qayb galaya, inta wadan ee tartankan lagu ciyaari doono, jadwalka kulamada laayabka leh ee xagaagan la ciyaarayo iyo waliba xog aad u xiiso badan oo aad halkan kaga bogan karto.

Muxuu Yahay International Champions Cup, Goormaase La Aas Aasay?

Koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cupka loona soo gaabiyo ICC Cup waxaa la aas aasay sanadkii 2012 kii waxaana sanadkan la qaban doonaa markiisii shanaad. ICC Cupku waa tartan saaxiibtinimo oo dhex mara kooxaha aduunka ugu waa wayn waxaana aas aasay ragga bilyaneerada ah ee dalka USA u dhashay ee  Stephen Ross  iyo Matt Higgins kuwaas oo iska leh shirkado gacansi oo sportska iyo kuwo kaleba iskugu jira.
International Champions Cupka waa tartan saaxiibtinimo oo sanad leh ah isla markaana la qabto waqtiga xagaaga ee u dhexaysa labada xili ciyaareed. Halkii markii hore ay kooxuhu ka ciyaari jireen kulamo saaxiibtinimo oo aan waxba lagu kala qaadayn isla markaana ay la ciyaari jireen kooxo yar yar oo aan xiiso badan lahayn ayuu International Champions Cupka meel iskugu keenay kooxaha aduunka ugu waa wayn.
Qiimaha koobkan ayaa si layaableh sarre ugu kacay isaga oo waliba noqday waji kale oo ay kooxaha waa wayn iyo ragga aas aasay tartankani ay dhaqaale xoogan ugu abuurayaan. Sanadihii ugu danbeeyay International Champions Cupka ayaa loo kala jabiyay dhawr wadan sida USA, China iyo Australia laakiin sanadkan waxaa Australia lagu badalay Singapore.
ICC Cupka ayaa badalay World Football Challenge oo ay iskaga hor iman jireen kooxaha Yurub iyo kooxaha qaarada America wuxuuna markii hore ka bilawday wadamada  United States iyo Canada balse waxa uu si deg deg ah ugu fiday qaaradaha aduunka ee kala duwan isaga oo soo jiitay dhamaan kooxaha Yurub ugu waa wayn.
Sanadkan kulamada ICC Cupka ee ugu xiisaha badan oo 12 kulan ayaa USA ka dhici doona iyada oo waliba la ogyahay in kulankii kulankii Man United iyo Real Madrid ee sanadkii 2014 kii uu haysto rekoodhka kulankii ay jamaahiirta ugu badani ka soo xaadirtay markaas oo ay garoonka  Michigan Stadium ka soo muuqdeen 109,318 daawade balse markan waxaaba la filan karaa waxyaabo ka daran.
ICC Cupka ayaa bilawda July 18 wuxuuna dhamaadaa July 30, wuxuuna noqday tartan ay si fiican kooxuhu iskugu diyaarin karaan kulamada xili ciyaareedka cusub ugu horeeya, laakiin sanadkan 2017 waxa uu noqon doonaa mid aan loo xisaabin doonin koob saaxiibtinimo waxaana qeexi doona nooca kulamada soo socda.

Waa Kuwee Kooxaha Sanadkan Qaybta Ka Ah ICC Cupka? Wadmadee Ayay Kaga Qayb Gali Doonaan?

Sideed kooxood oo ka mid ah kooxaha Yur ugu waa wayn ayaa dhawaan u duuli doona dalka Maraykanka halkaas oo ay ICC Cupka kaga qayb gali doonaan waxayna ciyaari doonaan 12 kulan oo xiisahooda iyo xamaasadooda wata, waxaana kulamadan ku jira El Clasico-dii abid ugu horaysay ee ciida USA si la mid ah waxaa markii ugu horaysay kulan Manchester Derby ah lagu ciyaari doonaa dalka maraykanka.
Halkan hoose kaga bogo qaabka ay kooxaha ICC Cupka ka qayb galayaa u qaybsan yihiin iyo sida ay saddexda dal ugu kala jiraan.
FIIRO GAAR AH: Haddii aanu mobile-kaagu lahayn shaashad wayn oo aanad wada arki karin qaybahan hoose waxaad mobileka u qabsan kartaa dhinaca balaca si magacyada kooxaha iyo jadwalka aad u wada arki karto.
United StatesChina                     Singapore        
Paris Saint-Germain             AC Milan      Inter Milan
Barcelona             Inter Milan      Bayern Munich
Real Madrid             Bayern Munich       Chelsea
Manchester City             Borussia Dortmund
Manchester United             Arsenal
Tottenham
Roma
Juventus
Kooxaha AS Roma iyo Arsenal ayaa ah labada kooxood ee kaliya ee sanadkan ka qayb galaya oo aan ICC Cupka ku jirin sanadkii hore ee 2016 laakiin waxaa sanadkan ka maqan kooxaha Atletico Madrid, Celtic, Liverpool , Leicester City iyo Melbourne Victory oo hore qayb uga soo noqday.
Waa Sidee Jadwalka Kulamada ICC Cupka Ee USA, China Iyo Singapore? Goormaase Kulamadan La Ciyaari Doonaa?
Waxaanu saddex qaybgood idiinka dhignay jadwalka saddexda dal ee USA, China iyo Singapore ee kulamada ICC Cupka laakiin maadaama oo ay aad u kala duwan yihiin waqtiyada China, USA ama Singapore waxaanu waqtiga ka dhignay waqtiga Britain ee BST oo haddii aad geeska Afrika joogto aad laba saacadood ku dari doonto.

Sababtoo ah suurtogal nooma aha in meel layskugu keeni karo waqtiga China iyo USA waxaana u dhexeeya waqti aad u badan, sidaa daraadeed maaadaama oo ay dadku inta badan ku xidhan yihiin Premier Leaque-ga iyo waqtigiisa London ayaanu waqtiga kan u dooranay.

Jadwalka ICC Cupka Ee Kooxaha United States Ku Ciyaari Doona, Taariikhda, Watiga iyo waliba Garoonka lagu ciyaari doono.

TaariikhdaKulankaWaqtigaGaroonka
Jul 19Roma vs PSG 00:00Comerica Park, Detroit
Jul 20Man Utd vs Man City 02:30NRG Stadium, Houston
Jul 22Barcelona vs Juventus 23:00MetLife Stadium, East Rutherford
Jul 22Tottenham vs PSG 01:00Camping World Stadium, Orlando
Jul 23Real Madrid vs Man Utd 22:00Levi’s Stadium, Santa Clara
Jul 25Tottenham vs Roma2 01:00Red Bull Arena, Harrison
Jul 26Barcelona vs Man Utd 00:30FedEx Field, Landover
Jul 26PSG vs Juventus 01:30Hard Rock Stadium, Miami Gardens
Jul 26Real Madrid vs Man City 04:00Memorial Coliseum, Los Angeles
Jul 29Tottenham vs Man City23:00Nissan Stadium, Nashville
Jul 29Real Madrid vs Barcelona00:30Hard Rock Stadium, Miami Gardens
Jul 30Roma vs Juventus 21:00Gillette Stadium, Foxborough
Kulamada ugu xiisaha badan qaybta USA ka dhici doonta ee ICC Cupka ayaa ah kulanka dhex mari doona kooxaha colaada wayni u dhexayso ee Real Madrid iyo Barcelona wuxuuna kulankani hordhac u noqon doonaa laba kulan oo kale oo ay bilawga xili ciyaareedka wada yeelan doonaan oo ka tirsan Spanish Super Cupka maadaama oo ay ku soo kala guulaysteen La Ligaha iyo Copa Del Rey.
Kulanka El Clasico-da ee Barcelona iyo Real Madrid waxaa la ciyaari doonaa July 29 wuxuuna kulankani ka dhici doonaa garoonka Hard Rock Stadium, Miami Gardens oo Miami ku yaal waana kulan uu markii ugu horaysay Valverde uu ku arki doono xamaasada El Calsico-da.
Kulanka kale ee xiisaha gaar ah leh ayaa isna ah kulanka dhe xmari doona Manchester United iyo Real Madrid isaga oo Jose Mourinho ka hor iman doona Zinedine Zidane oo hogaaminaya kooxdii uu Mourinho ka soo shaqeeyay sanadihii 2010 ilaa 2012 kii, waxaana kulanka Man United iyo Real Madrid la ciyaari doonaa July 23 waxaana lagu qaban doonaa Levi’s Stadium, Santa Clara.

Jadwalka ICC Cupka Ee Kooxaha China Ku Ciyaari Doona, Taariikhda, Watiga iyo waliba Garoonka lagu ciyaari doono.

TaariikhdaKulankaWaqtigaGaroonka
Jul 18Milan vs B.DortmundLama shaacinTianhe Stadium, Guangzhou
Jul 19Bayern Munich vs ArsenalLama shaacinShanghai Stadium, Shanghai
Jul 22Bayern Munich vs MilanLama shaacinShanghai Stadium, Shanghai

Jadwalka ICC Cupka Ee Kooxaha Singapore Ku Ciyaari Doona, Taariikhda, Watiga iyo waliba Garoonka lagu ciyaari doono.

TaariikhdaKulankaWaqtigaGaroonka
Jul 25Chelsea vs Bayern Munich 13:35National Stadium, Singapore
Jul 27Bayern Munich vs Inter14:35National Stadium, Singapore
Jul 29Chelsea vs Inter12:35National Stadium, Singapore
Waa Kuwee Kooxaha Ku Soo Guulaystay Koobka International Champions Cup Iyo Waliba Kooxaha Kaalinta Labaad Kaga Soo Dhamaystay?
Qaybta ICC Cupka ee USA lagu qabto waxaa laba jeer oo ah inta ugu badan ku soo guulaystay Paris Saint-Germain waxayna kooxda ree France koobkan soo hanatay sanadihii 2015 iyo 2016 waxayna soo qaaday kooxaha New York Red bulls iyo Liverpool.

Sidoo kale Real Madrid iyo Manchester United ayaa ku soo guulaystay ICC Cupka qaybtiisa USA sanadihii 2013 iyo 2014 kii sida ay u kala horeeyaan waxayna Real Madrid ka qaaday Chelsea halka Man United ay koobkan ka qaaday Liverpool.
Qaybta Australia lagu soo qabtay waxaa ku soo kala guulaystay Real Madrid iyo Juventus halka sidoo kale Real Madrid koobkan AC Milan kaga qaaday China sidaa daraadeed Real Madrid ayaa ah kooxda koobkan ugu guulaha badan oo saddex jeer soo hanatay.
Haddii aan soo qaadano dhinaca tikidhada waxaa ugu qaalisan kulanka El Claisco-da ee Real Madrid iyo Barcelona ku dhex mari doona Miami kaas oo kursiga ugu qiimaha hooseeya uu tikidhkiisu yahay $250 Dollar oo u dhiganta £194 gini laakiin waxaaba jira kulamo lagu daawan karo 25 dollar oo u dhiganta 19 gini oo kaliya waana sida kulamada  Paris Saint-Germain iyo Roma.
Haddaba akhriste kulamadee ayaad filaysaa in ay noqon doonaan kuwa ugu xiisaha badan ee sida fiican loogu sugi doono bilaabashada xili ciyaareedka cusub ee 2017/18? Fikradaada qaybta hoose ee fariimaha Facebook ayaad ku dhiiban kartaa sidoo kale haddii ay warbixintani ku qancisay ha ilaawin in aad asxaabta kale la share-garayso.

No comments