Header Ads

Tababare Zidane Oo Shaaciyay 19ka Xiddig Ee Real Madrid Ee Uu Caawa Kala Hortagayo Deportivo & Cristiano Ronaldo Oo Weli Ganaax Ku Maqan

Tababare Zinedine Zidane ayaa shaaciyay 19ka ciyaartoy ee uu caawa kala hortagayo kooxda Deportivo La Coruna kulankooda ugu horeeya xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga ee 2017-18.
Cristiano Ronaldo ayaa kulankaan ganaax ku seegaya ka dib markii xiriirka kubada cagta Spain ay ganaax shan kulana h duldhigeen markii uu casaan qaatay islamarkaana riixay garsooraha kulankii lugta hore ee Isbaanish Super Cup.
Waxa uu ganaaxa u bilowday kulankii lugta labaad oo ay sidoo kale Real ka badisay Barcelona, kulanka caawa ayaana noqonaya kulankii labaad ee uu seego Cristiano Ronaldo iyadoo tababare Zidane uu sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan inta ka hartay ganaaxiisa.
Marco Asensio oo si weyn isku soo saaray ayaa la filayaa inuu buuxiyo booska Ronaldo iyadoo sidoo kale la filayo inay kulanka caawa ku soo bilowdaan Karim Benzema iyo Gareth Bale, halka Isco uu tartan isna ugu jiro in lagu soo bilaabo.

Kooxda Real Madrid ee ka hortageysa Deportivo:

Goolhaye: Keylor Navas, Kiko Casilla, Luca
Daafac: Carvajal, Sergio Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Theo
Khad Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Llorente, Asensio, Isco, Ceballos
Weerar: Benzema, Vale, Lucas Vazquez

No comments